Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in la joojiyo xasuuqa Falastiiniyiinta

0
495

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baadariga ugu weyn kaniisadaha Katholiga Pope Francis ugu baaqay inuu gacan ka gaysto sidii Israa’iil ay ku soo afjari lahayd xasuuq uu sheegay in ay ku hayso shacabka Falastiin.
Waxaa uu soo jeediyayay in Israa’iil lagu ciqaabo cunaqabateyn.
Erdogan oo khadka taleefoonka kula hadlay Pope Francis ayaa sheegay in gummaadka Falastiiniyiinta uu sii soconaya hadii beesha caalamka aynan tallaabo ka qaadin Israa’iil.