Ku dhawaad 200 oo qof oo ilaa iyo hadda lagu dilay Qaza

0
497

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa maalinkii sideedaad maanta duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Duullaanka ayaa yimid saacado un ka dib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in weerarrada ay sii soconayaan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in magaalada Qaza laga soo duqeeyay dhanka waqooyi iyo koonfurta .
Weerarradan ayaa ahaa kuwo culus, baaxad leh sidoo kalena qaatay saacado ka badan maalmihii hore.
Shalay ayay ahayd markii Qaza lagu dilay ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaas ku dhintay in ka badan 198 qof oo 58 ka mid ah ay carruur yihiin.
Ugu yaraan 1,300 qof oo dheeraad ah ayaa la dhaawacay.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ka shiray xaaladda taagan hasa ahaate waxaa uu ku guul dareystay inuu soo saaro bayaan loo wad adhan yahay.
Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda Maraykanka ku eedeynaysa in ay golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa uu ka hor istaagay in xubnaha ay hal cod ah ku hadlaan.