Saraakiisha ammaanka ee Embu oo baaraya afduub loo gaystay Billy Mwangi

0
208

Guddiga amniga ee ismaamulka Embu ayaa shacabka dowlad deegaankaasi ka codsaday in ay siiyaan maalmo dheeraad ah oo lagu baaraya afduubkii dhawaan loo gaystay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Billy Mwangi.
Tani ayaa timid ka dib markii dadweynaha Embu ay ciidamada amniga u qabteen muddo 24 saacadood ah oo uu Billy isagoo badqaba dib ugu helaya xurriyadiisa.
Waxaa dibadbax sameeyay shacabka Embu oo uu hor kacayay xildhibaanka deegaanka Manyatta Gitonga Mukunji.
Waxay wacad ku mareen in ay mudaaharaadka sii wadi doonaan haddii aan Mwangi la soo siidayn.
Hasa ahaate, taliyaha booliiska ee ismaamulka Embu ,Samuel Muthami ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan.
Waxaa uu xusay in laamaha ammaanka ay ku dadaalayaan sidii arrintan loo xallin lahaa maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wadaan baaritaanno qoto dheer.