Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo xaaladda Qaza kala hadlay dowlado dhowr ah

0
373

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Qatar,Egypt iyo Sacuudi Carabiya.
Waxay ka wada hadleen xaaladda ka taagan marinka Qaza ee wadanka Falastiin.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan ay muujiyeen sida loogu baahan yahay in la dejiyo xiisadda ka jirta daanta galbeed iyo Qaza sidoo kalena la soo afjaro duullaanka militari ee Israa’iil.