Aqalka sare ee dalka ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta uu yeesho kal-fadhi gaar ah oo ku saabsan xilka qaadis ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer 27-kii bishii hore ku sameeyeen guddoomiyaha dowlad deegaankaas Maxamad Cabdi Maxamuud.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay socday kulamo uu yeelanayay guddi ka kooban 11 xubnood oo aqalka senate-ka uu u saaray inuu baaritaano ku sameeyo eedeymo loo soo jeediyay barasaabka Wajeer.
Waxaa uu guddigu warbixino kala duwan ka dhageystay qareenada guddoomiyaha iyo golaha hoose.
Sidoo kale Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa fursad loo siiyay inuu ka hadlo eedeymaha uu wajahaya waxaa uuna sheegay in ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo looga gol-leeyahay in sumcadiisa lagu dhaawaco.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa sheegay in 45 sano oo uu dowladda u shaqeynayay aan lagu helin hab-dhaqan xumo.
Waxaa uu guddiga gaarka ah ee aqalka sare ugu baaqay inuu qaato go’aan sax ah oo ay dani ugu jirto shacabka Wajeer.
Bishii hore ayay ahayd markii 37 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Wajeer ay codkooda ku taageereen mooshin xilka qaadis ah oo laga gudbiyay halka 10 ay ka soo hor jeesteen.
Waxaa loo haystaa maamul xumo , ku takriifalka kheyraadka dadweynaha iyo inuusan ilaalin xeerarka u degsan dalka si gaar ah soo iibsashada agabka iyo bixinta qandaraasyada.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay in galinka dambe ee maanta qodobka keliya ee hor yaalla senatarrada uu yahay warbixinta guddiga gaarka ah.
Kal-fadhiga uu barasaabka Wajeer ku ogaan doono in uu xafiiska sii joogaya ama uu baneynaya ayaa billaaban doono abaare 2:30 galabnimo.
Home Wararka Kenya Aqalka sare oo maanta loo gudbinaya warbixin ku saabsan xilka qaadistii barasaabka...