Ciidamada Israa’iil oo in ka badan 8 qof ku dilay Qaza

0
110

Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday isbitaalka Kamaal Adwan ee ku yaalla Waqooyiga Marinka Qaza ee go’doonsan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ku amreen dadka gudaha isbitaalkaasi ku jiray iyo kuwa u dhow xaruntaasi caafimaad in ay isaga wareegaan.
Wararka ka soo baxayo goobta ayaa sidoo kale sheegaya in isbitaalka Al Awda oo ku dhow Kamaal Adwan uu isna weerar ku socdo.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale duqeeyay dugsi kale oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Qaza, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 8 qof oo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, militariga Maraykanka ayaa weerarray caasimadda dalka Yemen ee Sanca saacado ka dib markii gantaal ay soo tuureen Xuutiyiinta uu ku dhacay aagga magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kaasoo sababay dhaawaca ugu yaraan 14 qof.
Baadariga ugu sarreeya ee kaniisadaha Catholic-ga Pope Francis ayaa dhankiisa ku tilmaamay dilalka Israa’iil ay u gaysato carruurta Qaza mid ah arxaan darro oo uusan ahayn dagaal.
Hadalkan ayuu yiri xilli uu jeedinayay khudbaddiisa Christmas-ka taas oo keentay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay ka bixiso jawaab carro leh.
Duullanka Militari ee Israa’iil ay ka wado Marinka Qaza laga soo bilaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,227 qof halka lagu dhaawacay 107,573 oo kale ee Falastiniyiin ah.