In ka badan 127 oo lagu dilay Suudaan

0
409

Ugu yaraan 127 qof oo u badan rayid ayaa lagu dilay Suudaan maalmihii Isniintii iyo Talaadadii ee toddobaadkan ka dib markii ay dhaceen duqeymo u dhexeeyo dhinacyada dagaallamaya.
Waxaa sidatan sheegay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha.
Dagaalkan oo ku dhawaad 20 bilood soo jiitamayay ayaa u dhexeeya ciidanka militariga ee Suudaan iyo xoogagga sida militariga u tababaran ee RSF.
Waxaa uu dagaalka isku beddelay mid dhiig badan uu ku daatay ka dib markii dadaalladii xabbad joojinta ay istaageen.
Ciidamada ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha dalka Suudaan oo kala bar ay gacanta ku hayaan RSF-ta, iyadoo dhanka kale ay weerarro ku qaadeen tuulooyinka.
Labada dhinac ayaa bartilmaameedsada goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin.
In ka badan siddeed fuusto oo bambooyin ah ayaa Isniintii ku dhacay suuqa magaalada Kabkabiya ee Waqooyiga Darfur.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda sheegay in, in ka badan 100 qof la dilay halka boqolaal kalena lagu dhaawacay weerarka.
Ciidamada militariga ee Suudaan ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Kabkabiya iyagoo ku adkaysatay inay xaq u leeyihiin in ay beegsadaan goob kasta oo ay RSF u isticmaasho howlo ciidan.