Hay’adaha aan dowliga ahayn oo looga digay maalgelinta howlaha sharci darrada ah

0
247

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Raymond Omollo ayaa hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs-ka uga digay in ay dhaqaale ku taageeraan arrimaha sharci darrada ah sida argagixisada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli maanta la daahfurayay qiimeynta halista ay leedahay maalgelinta argagixisada.
Waxaa uu Omollo hay’adaha aan dowliga ahayn uu kula taliyay in ay hubiyaan in lacagaha ay ka helaan deeq bixiyeyaasha loo adeegsado keliya barnaamijyada loogu tala galay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay sare u qaadday dabagalka ku aaddan qaabka ay ururradan u isticmaalaan maaliyadda.
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah hay’adahan ay diideen in ay caddeeyaan ilaha dhaqaale ee taageera.
Xoghayaha ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo sidii lagu dabooli lahaa dulduleellada jira.
Madaxa fulinta ee maamulka maareeya ururrada rayidka ah, Lindon Nicolas ayaa dhankiisa ku baaqay in si buuxda loogu hoggaansamo xeerarka degsan.
Waxaa uu ka digay in hay’addii aan ka soo bixin waxyaabaha laga doonaya ay halis ugu jirto in lagala laabto diiwaangelinta.