Amniga deegaano ay doorashooyin ku celis ah ka dhacayaan oo aad loo adkeeyay

0
306

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Nyanza Magu Mutindika ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga ismaamulka Kisii maadaama berrito ay doorasho ku celis ah ka dhici doonto deegaan baarlamaneedka Bonchari.
Mutindika ayaa xusay in dowladda dhexe ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaankaas.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kadibna dacwad lagu soo oogay saddex qof .
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in ay qalalaase abuureen xilligii ololaha doorashada.
Sidoo kale waxaa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay baarayaan labo baabuur oo la qabtay iyaga oo sida hub.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Nyanza ayaa ballanqaaday in ciidamada booliska ay gacanta ku dhigi doonaan cid kasta oo isku daydo in ay laalushto codbixiyayaasha.
Xilli uu ka jawaabayay eedeymo ka yimid xisbiyada UDA iyo ODM oo ahaa in musharaxiintooda iyo taageerayaasha la cabsi gelinaya ayuu Mutindika sheegay in booliska ay waajibaadkooda gudanayaan.
Doorashada ku celiska ee deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii ayaa ku soo aadaysa ka dib geeridii xildhibaan Oroo Oyioka ee horraantii sanadkan.
Musharaxiin dhan 13 ayaa loolanka xildhibaananimo ee Bonchari ka qayb galaya.