Qaar ka mid ah wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada wadanka ayaa shir jaraaid oo ay qabteen waxay ku dhaliileen go’aan 13-kii bishan maxkamadda sare ay ku laashay qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxay sheegeen in go’aanka uu halis ku yahay awoodda madax banaanida ee shacabka, midnimada qaranka iyo dowlad wadaajinta.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Meru Victor Mutuma, ayaa sheegay in waaxda garsoorka aynan hor istaagi karin rabitaanka in ka badan 4 milyan oo qof oo saxiixyadooda ku taageeray hindise sharciyeedka BBI.
5 garsoorayaal oo amarkan soo saaray ayuu ku eedeyay in ay awoodooda si aan habbooneyn u adeegsadeen.
Waxaa uu intaa ku daray in waaxda cadaaladda ay u muuqato in ay u adeegayso ururrada bulshada.
Xaakinada ayaa sheegay in nidaamkan uu yahay mid sharci darro ah maadaama lagu soo dhisay qaab aan dastuuri ahayn.
Garsoorayaasha ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku eedeyay inuu ka tallaabsaday xeerarka wadanka u degsan xilligii isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay billaabayeen hindisahan.
Guddiga IEBC ayaa sidoo kale lagu dhaliilay go’aamadii uu qaatay oo ay ka mid tahay xaqiijinta saxiixyadii laga soo uruuriyay shacabka ee lagu taageerayay BBI maadaama ay weli jiraan jagooyin sare oo ka bannaan guddiga.
Garsoorayaasha ayaa guddiga IEBC ka hor istaagay inuu qabto afti wax looga beddelaya dastuurka dalka iyada oo aan shacabka si buuxda looga qaybgelin.
Maxkamadda waxay sidoo kale burisay guddiga loo xilsaaray dardargelinta hannaanka BBI halka daaqadda laga tuuray soo jeedintii ahayd in la soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.
Home Wararka Kenya Qaar ka mid ah wakiillada golayaasha ismaamullada oo ka hadlay go’aankii maxkamadda...