Safaaradda dalka Qatar ee Syria ayaa maanta dib u billaabeysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Khaliijka, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen waddankaasi, ayna la kulmeen dowladda ku meel gaarka ah ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Dowladda Qatar ayaa sidoo kale magacowday madaxa cusub ee howlgalka Syria, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.
Doha ayaa xirtay safaaraddii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii Toddobaad ee sanadkii 2011-kii, horraantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu beddelay dagaal sokeeye.
Doha ayaa sheegtay in soo laabashada ka dib 13 sano oo hakad ah ay tahay muujinta mabda’a ay dowladda Qatar ay ku garab taagan tahay kacdoonka shacabka Syira iyo sidoo kale diidmada qayaxan ee dhammaan siyaasadaha cadaadiska ee nidaamkii reer Asad.