DHAGEYSO:Gachagua oo dhallinyarada ugu baaqay in aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed

0
303

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa da’yarta kula taliyay in ay taxadaraan oo aan loo adeegsan rabshado lagu fulinaya dano siyaasadeed.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri ayuu dhanka kale Gachagua sheegay in gobolka Bartamaha dalka uu laga billaabo sanadka 2025-ka dib u soo ceshan doono sarreyntiisi siyaasadeed iyadoo la soo dhisaya xisbi cusub.
Waxaa uu xusay inuu ka qoomamoonaya ku biiridii xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Gachagua ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ka codsaday inuu xabsiga u taxaabo dadkii ka dambeeyay rabshadii horay uga dhacday deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu oo uu uga qayb galayay munaasabad aas ahayd.
Waxaa uu ku celceliyay in shacabka ku nool bartamaha dalka la khiyaanay , ay ka gudbeen wixii dhacay balse aynan marnaba hilmaami doonin.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu si xushmad leh ula hadlo dadweynaha xita haddii uu dhibsanaya dhaliilaha loo jeedinaya maamulkiisa.