La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee xafiiska madaxweynaha dalka William Ruto , Karisa Nzai ayaa shacabka ku boorriyay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ka codsaday in ay waqti siiyaan maamulka madaxweyne William Ruto si uu ugu guulaysto fulinta ballanqaadyadii siyaasadeed.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa dhankiisa sheegay inuu ku dadaali doono sidii loogu guulaysan lahaa diiwaangelinta shacabka ee caymiska SHA iyo adeegsiga barnaamijkan.