Israa’iil oo in ka badan 26 qof ku dishay Qaza

0
507

Ciidamada Israa’iil ayaa maalinkii Toddobaad duqeymo ka wado marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Aroornimadii hore ee maanta waxaa halkaas lagu dilay ugu yaraan 26 Falastiiniyiin ah halka 50 kalena la dhaawacay.
Waxaa sidoo kale la weeraray guriga madaxa ururka Xamaas ee Qaza Yehya al-Sinwar.
Hal isbuuc gudihii in ka badan 170 qof oo u dhashay Falastiin ayay Israa’iil dishay waxaana tiradan ka mid ah ugu yaraan 41 carruur ah.
Marinka Qaza waxaa toddobaad gudihii lagu dhaawacay in ka badan 1,000 qof halka in ka badan 13 kale lagu dilay dhanka daanta galbeed.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga dilay 10 ay labo carruur yihiin.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa maanta oo Axad ah yeelanaya shir ku saabsan rabshadaha jira.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ugu baaqay inuu qaato go’aan degdeg ah oo lagu soo afjaraya weerarrada Israa’iil ay ka waddo Falastiin.
Waxaa uu eedda dusha kaga tuuray Maraykanka oo uu sheegay inuu sabab u yahay in goluhu uunan ilaa iyo hadda go’aan ka qaadan xaaladda taagan.