6 ka mid ah shaqaalaha warshadda sokorta ee Sony oo loo xiray xatooyo

0
132

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo ka mid ah howlwadeennada warshadda soo saarto sokorta ee Sony.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lala xiriiriyay sokor ah 7.55 tonnes oo la dhacay bishii Afaraad ee sanadkan.
Tallaabada lagu xiray 6-da eedeysanayaal waxaa xaqiijiyay agaasimaha guud ee warshadda sokorta ee Sony Martin Dima.
Waxaa uu xusay in ciidamada booliiska ay raadinayaan labo sarkaal oo kale oo ka tirsan waaxda suuqgeynta ee warshadda.
Dima ayaa laamaha ammaanka ku boorriyay in ay baaritaanno qoto dheer ku sameeyaan falka xatooyada ee la soo tabiyay si talllaabo sharciyeed looga qaado cid kasta oo ku lug leh.