Madaxweynaha dalka oo dhaliilay dadka ka soo horjeeda tallaalka xoolaha

0
151

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shakhsiyaadka dhaliilaya qorshaha ay dowladdu ku tallaalaysa xoolaha ku tilmaamay doqomo.
Qorshahan ayaa la billaabaya sanadka soo socdo.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in dadkan ay yihiin kuwo aan niyad sami muujin, aan si wanaagsan u fikirin mise dhanka dhimirka ka xanuunsan.
Arrintan ayuu shalay ka sheegay shirka 4-aad ee hoggaamiyaasha ismaamullada xoolo dhaqatada.
Dowladda ayaa shaacisay in laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2025-ka la tallaali doono 22 milyan oo neef oo lo’ ah.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uunan fahmi karin sababta uu qof uga soo horjeedsan karo in xoolaha laga tallaalo cudurrada.