Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland

0
250

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Daagaalka ayaa si gaar ah uga socdo tuulada Manaraani oo qiyaaastii ilaa 40 kiilomitir u jirta deegaanka Raaskambooni oo dhawaan ay ciidamo gaysay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalka oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasaho, dhaawac iyo gaadiid la gubay.
Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dari karto dagaalka ka qarxay halkaasi.