Dowladaha Qatar, Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya oo dhaliil u jeediyay Israa’iil

0
132

Dowladaha Qatar, Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya ayaa dhaliilay tallaabada ay Israa’iil kula wareegtay dhul ku yaalla dalka Syria meel u dhow buuraha la haysta ee Golan Heights.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay duqeymo ka fulinaysa gudaha Syria.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa sheegtay in Israa’iil ay si cad ugu xadgudubtay gobonnimada Israa’iil iyo xeerarka caalamiga ah.
Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda xustay in tallaabada Israa’iil ay caddeynaysa sida joogtada ah ee ay ugu xadgudubto xeerarka caalamiga iyo in ay ka go’an tahay in Israa’iil aynan dib u soo ceshan xasiilloonideeda.
Waxay Sacuudi Carabiya beesha caalamka ugu baaqday in ay cambaareyso ololaha dhuleed ee ay Israa’iil wado .
Waxay adkeysay in buuraha Golan Heights ay yihiin dhul carbeed oo la haysto.