Shiinaha oo baaq u diray golaha amniga ee qaramada midoobay

0
425

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ugu baaqay inuu qaato go’aan degdeg ah oo lagu soo afjaraya weerarrada Israa’iil ay ka waddo Falastiin.
Waxaa uu eedda dusha kaga tuuray Maraykanka oo uu sheegay inuu sabab u yahay in goluhu uunan ilaa iyo hadda go’aan ka qaadan xaaladda taagan.