Waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalka New Zealand isugu soo baxay kumannaan qof oo taageero u muujinaya shacabka Falastiin sidoo kalena cambaareynaya weerarrada dhanka cirka ee ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Qaza iyo daanta galbeed.
Mudaharaadyada ayaa ka dhacay magaalooyinka Wellington, Auckland iyo Christchurch.
Waxay ku soo beegmeen maalinka loo yaqaano Nakba Day oo la xuso xilligii 1948-dii boqolaal kun oo qof oo Falastiiniyiin ah ay ku barakaceen halgankii xornimo doonka.