Sarkaalka qaabilsan xiriirka bulshada ee shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee Garissa ee GAWASCO Cumar Cabdullahi ayaa sheegay in ay digniin adag u dirayaan shakhsiyaadkan aan bixin qarashaadka biyaha.
Waxaa uu sheegay in ay billaabeen olole adeegga biyaha looga jaraya shakhsiyaadkan.
Cumar ayaa intaasi ku daray in maxkamadda lala tiigsan doono cid kasta oo lagu helo in ay isticmaashay biyo aan si sharci ah loogu xiriirin.
Waxaa uu dhanka kale dadweynaha Garissa ku boorriyay in ay biyaha kaydsadaan.
Cumar Cabdullahi ayaa macaamiisha ka codsaday in ay si wanaagsan ula macaamilaan shaqaalaha shirkadda Gawasco isagoo faahfaahiyay qaabka uu qofka ku bixin karo qarashaadka adeegga biyaha.