Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ee dalka ee Afya House dibadbax ka sameeyay xubnaha ururka dhakhaatiirta ee daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee (KUCO).
Howlwadeennadan oo uu hor kacaya xoghayaha guud ee ururkan ,George Gibore ayaa cabasho ka muujiyay in aan xubin matalaysa ururka KUCO lagu soo darin guddiga caymiska SHA ee la magacaabay.
Sidoo kale , waxay sheegayaan in khuburrada dalladdan ka tirsan loo diiday in ay fuliyaan habraacyada muhiimka ah ee caafimaadka iyadoo la adeegsanaya caymiska cusub.
Tani ayay sheegeen in ay xaddidaysa awoodooda la xiriirta fidinta daryeel caafimaad oo tayo leh oo la siinaya bukaannada .
Sidoo kale waxay sheegeen in kastoo ay isku dayeen in ay tabashooyinkooda la wadaagaan wasaaradda caafimaadka in aan weli la tixgelin.