DHAGEYSO:Sifuna:Maanta haddii ay doorasho dhacdo dib looma soo dooranaya siyaasiyiin badan

0
325

Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in uunan jirin qorsho tallaabo sharciyeed looga qaadaya xildhibaannada ka tirsan xisbiga ee horay codkooda ugu taageeray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Qorshahan ayaa meesha laga saaray ka dib markii dhallinyarada ay sameeyeen dibadbaxyo waawayn oo looga soo horjeeday.
ODM ayaa xilligaasi sheegtay in ay ciqaabi doonto xubnaheeda la saftay dhanka dowladda.
Hasa ahaate , Edwin Sifuna oo saaka wareysi gaar ah siinayay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aankii hore laga tanaasulay.
Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka ay ka daaleen sida uu hadalka u dhigay wax qabad xumada madaxdooda oo uu hubo haddii ay maanta doorasho dhacdo in siyaasiyiinta xilalka haya aan badankoodu dib loo soo dooran doonin.
Senatarka Nairobi ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasiyiinta ay marka hore codbixiyeyaasha ku marin habaabiyaan in ay si buuxda u matalayaan oo ay u hoggaansamayaan xeerarka u degsan xisbiyada ay ka tirsan yihiin balse uu isbeddelka dib ka yimaado.

Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa dhanka kale ka falceliyay hadalkii madaxweynaha dalka William Ruto ee shalay ee ahaa in ay jiraan shakhsiyaad ka soo horjeesta horumar kasta oo ay dowladdu sameynaysa wuxuuna xusay in madaxda iyo shacabka ay keliya doonayaan daahfurnaan.
Waxaa uu xusay in ay isbeddel ku sameyn doonaan xeerarka u degsan maalgashiga ay wada fuliyaan dowladda iyo waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay si muddo toddobaad gudaheeda ah kenyaanka loogu soo bandhigo codsiyada la xiriira maalgashigan.