DHAGEYSO:Wasiirka beeraha oo dhaliilay garsoorayaasha laalay BBI

0
306

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa dhaliilay 5 garsoorayaal oo dhawaan dhinac iskaga dhigay qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu sheegay in go’aanka maxkamadda uusan ahayn mid sharci ku kooban.
Peter Munya ayaa su’aal geliyay qaabka ay xaakinadda ugu dhawaaqeen go’aankooda isaga oo xusay in aynan sameyn is xakameyn.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aan loo baahneyn in qofka shaqada uu hayo sida uu hadalka u dhigay uu ku xadgudbo.
Peter Munya ayaa sheegay in ay taageerayaan racfaanka laga qaadanayo go’aanka maxkamadda oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo rabitaanka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here