Dalka Kenya ayaa ka mid ah waddamada maanta laga xusayo maalinta cudurka AIDS-ka ee adduunka oo sanad kasta la qabto koowda bisha 12-aad ee Diseembar.
Xuska arrinkan ku aaddan ayaa ka socdo Nairobi, iyadoo ay munaasabaddaasi ka qayb gelaysa wasiirradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Mlongo Barasa.
Dr. Deborah Barasa ayaa ku baaqday kordhinta maalgalinta wax ka qabashada cudurka HIV/AIDS.
Waxay sheegtay in horumar laga sameeyay la dagaallanka cudurkan, haddana loo baahan yahay maalgelin joogto ah si loo ilaaliyo guulaha la gaaray.
Warbixin la soo saaray ayaa muujineysa in sanadkii hore ee 2023-kii la diiwaangeliyay 5,968 oo ah kiisas cusub oo la xiriira fayraska HIV-da.
Waxaa warbixinta ku xusan in dadka ugu badan ee cudurka qaaday ay yihiin dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar.
Waxaa sidoo kale cudurkan sanadkii hore dalka ugu geeriyootay 9,808 oo ruux.