Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa u xaqiijiyay beeralayda sonkorta taageerada dowladda ee ku aadan horumarinta wax soo saarkoooda iyo noloshooda.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay balaayiin shilin u qoondeysay waaxda sonkorta ee dalka si loo wanaajiyo wax soo saarka beeralayda.
Raymond Omollo ayaa xusay in tallaabooyinka horumarineed ee uu fulinayo maamulka madaxweyne William Ruto ay tahay mid kor loogu qaadayo nolosha beeraleyda.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa beeralayda ka codsaday beerashada sonkorta si ay uga faa’iidaystaan taageerada dowladda.
Waxaa uu sheegay in wax soo saarka cuntada ee dalka ay korodhay, taasoo ay ugu wacan tahay taageerada dowladda oo ay ku jirto bixinta bacrimin oo ay beeralayda adeegsadaan.
Xoghayaha ayaa qaybaha kala duwan ee beeralayda ku boorriyay inay ka faa’iideystaan bacriminta, si ay soo saaraan raashin badan.