Dowladda oo sheegtay in carruurta ay halis sare ugu jiraan Mpox

0
401

Dowladda dalka ayaa soo saartay digniin ah in ay sarreyso halista la xiriirta in furuq-daanyeerka Mpox uu haleelo carruurta.
Waxaa tani loo aaneeyay difaaca jirka ee ubadka oo aan weli kobcin sidaasi awgeedna loo baahan yahay in si wayn loogu hoggaansamo tallaabooyinka ka hor tagga.
Xoghayaha waaxda caafimaadka dadweynaha ee dalka Mary Muthoni ayaa sheegtay in la doonayo in aad looga feejignaado kiisaska caabuqa ee laga shakiyay iyo kuwa la xaqiijiyay si loo badbaadiyo qaybaha nugul ee bulshada gaar ahaan carruurta ay da’doodu ka hooseysa shan sano.
Waxay ku baaqday in shakhsiyaadka lagu tuhmo caabuqa ama laga helay laga doonaya in ay is gooni-yeelaan si aan carruurta loogu gudbin.
Baaqa xogyahaya ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dhanka kale xustay in labo ka mid ah shanti kiis ee ugu dambeeyay ee cudur-sidaha Mpox kuwaasi oo la xaqiijiyay ay yihiin carruur.