Afar qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Marsabit

0
563

Afar qof ayaa ku dhimatay labo kalena dhaawacyo daran ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay wadada weyn ee xariiriso magaalooyiinka Isiolo iyo Moyale gelinkii dambe ee shalay.
Booliska ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu kusii jeeday Isiolo isagoona ka yimid magaalada Moyale.
Darawalkii gaariga waaday ayaa isla goobta ku dhintay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Marsabit Samuel Mutunga ayaa sheegay in darawalku uu lumiyay kantaroolka gaariga, sido kalena uu gaarigu ka baxay wadada.
Dhanka kale dhawacyada ayaa loo geeyaay isbitalka guud ee magallada Marsabit.
Taliyaha booliska ee Marsibit ayaa sido kale sheegay in meydadka la geeyaay isbitalka.
Isagoona darawalada ku boorriyaay in gawarida ay ku ka xeeyaan xawaare hooseeya inta laagu guuda xilli roobaadka.