In ka badan 40 qof oo lagu dilay Qaza

0
139

Duqeyn dhanka cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen xerada qaxootiga ee Jabalia ee Waqooyiga Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhimashada ka dhalatay weerarradii ay shalay Israa’iil ka gaysatay Qaza ay gaartay ugu yaraan 100.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa gudaha Qaza ku dhintay in ka badan 44,382 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 105,142 kale.