Xildhibaan soo jeediyay hindise sharciyeed ay Kenyaanka ku ogaan karaan macluumaadka shahaadooyinka saraakiisha dowladda

0
380

Kenyaanka ayaa awood u yeelan doono in ay helaan macluumaadka ku saabsan shahaadooyinka saraakiisha xilalka ka haya dowladda dhexe, ismaamulalda iyo xafiisyada kale ee adeegga dadweynaha.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Runyenjes ee ismaamulka Embu sidoo kalena ah guddoomiyaha guddiga shaqada ee golaha qaran ee xeer dejinta Eric Karemba, ayaa soo jeediyay sharciga maareynta kheyraadka aadanaha ee adeegga dadweynaha ee 2024-ka.
Waxaa uu doonaya in la bixiyo tilmaamo cad oo loogu talagalay maareynta adeegga dadweynaha si loo xaqiijiyo in kenyaanka ay helaan adeeg hufan oo waxtar leh.
Hindise sharciyeedka la soo jeediyay ayaa dhigaya in dhammaan shaqaalaha hay’adaha dowliga ah, si joogto dib u eegis loogu sameeyo shahaadooyinkooda waxbarasho.
Arrintan ayay ujeeddadeedu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka ee shaqaalaha adeegga dadweynaha.
Sharciga la soo jeediyay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan howlgallo ka dhan ah qaar ka mid ah saraakiisha dowladda oo adeegsaday shahaadooyin tacliimeed oo been abuur ah.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo dhigooda anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa wada baaritaano tallaabo looga qaadaya saraakiisha dowladda ee xilalka ku helay shahaadooyin aqooneed oo been abuur ah.
Dhawaan ayay ahayd markii warbixin la soo saaray shaaca looga qaaday in in ka badan 2,000 oo shahaadooyin aqooneed iyo kuwa xirfadeed oo been abuur ah loo adeegsaday in shaqo dowladeed lagu raadsado.
Guddiga PSC ayaa sidoo kale soo saaray wareegto faraysa hay’adaha dowliga ah inay joojiyaan shaqaaleysiinta saraakiisha lagu helo inay ka been sheegeen shahaadooyinkooda.