Ugu yaraan 42 qof oo lagu dilay Qaza

0
364

Weerarro kala duwan ee ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka fuliyeen daafaha Marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 42 ruux.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay ilo wareedyo ka tirsan waaxda caafimaadka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay sii xoogeysanayaan duqeymaha ka socdo dhinacyada Waqooyi iyo Koonfureed ee Qaza.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo qaramada midoobay ay soo saartay digniin ah in macluul ay soo foodsaari karta shacabka Qaza maadaama ay halkaasi ku xanniban yihiin ugu yaraan 2 milyan oo qof oo aynan ku filnayn cuntooyinka iyo biyaha.
Duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 44,330 ruux oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 104,933 kale.