Dowladda dhexe ee dalka ayaa soo saartay 2 bilyan oo shilin oo loogu talagalay barnaamijka kabidda bacriminta.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo beeralayda dalka ay cabasho ka muujiyeen qiimaha sare ee bacriminta ka dib markii waaxda horumarinta caleenta shaaha ee (KTDA) ay horraan ku dhawaaqday in 50-kii kiilogaraam ee bacrimintan ah lagu iibin doono 3,400 oo shilin.
KTDA ayaa sheegtay in dowladda ay dib uga dhacday bixinta barnaamijkii kabidda bacriminta.
Guddoomiyaha qaran ee waaxda horumarinta caleenta shaaha ee KTDA Enos Njeru, ayaa sheegay in haatan beeralayda ay 50-kii kiilogaraam ee bacriminta ku iibinsan karaan 2,500 oo shilin.
Waxaa uu sheegay in qiimahii hore oo dib loo soo celiyay ay dhiirigelinaysa beeralayda, si tacabka shaaha looga dhigo mid faa’iido leh.