Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay inay heshay warbixino dhowr oo ku saabsan in la’yahay dhowr qof halka qaar laga cabsi qaba inay dhinteen ka dib roobab culus oo wadanka ka da’aya maalmihii ugu dambeeyay.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya Dr. Caasha Maxamad oo waraysi siisay mid ka mid ah TV-yada maxaliga ah ee dalka ayaa sheegtay in 400 oo ah guriyaasha isku raranta ee magaalada Nairobi ay burbureen ka dib fatahaado goobahaasi ku dhuftay.
Waxaa ay dhanka kale sheegtay in 6,800 oo qoys ay hoyi la’aan noqdeen ka dib markii guryahoodii ay biyuhu galeen.
Waxaa ay dadweynaha Kenyaanka ku boorrisay in ay taxaddaraan oo ay ka fogaado meelaha uu joogoodu hooseeya.
Dr. Caasha ayaa intaa ku dartay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay 19 milyan oo farriimo ah u direen dadka ku nool 18 ismaamul oo ka mid ah 47 dowlad deegaan ee dalka ka koobanyahay.
Ismaamulladan ayay sheegtay inay halis sare ugu jiraan inay fatahaadaha saameeyaan.
Dhankan kale waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filayo toddobaadkan ay roobab culus ay ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Gobollada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah Nairobi, bartamaha iyo bariga dalka,Nyanza, Galbeedka ,Rift Valley iyo qaybo ka mid ah ismaamulka Kitui.
Home Wararka Kenya Hay’adda laanqayrta cas Kenya oo sheegtay in fatahaadaha ay hoyi la’aan dhigeen...