4 carruur ah oo ku dhintay Sri Lanka ka dib duufaan iyo daadad saameeyay

0
332

Kooxaha samatabixinta ee dalka Sri Lanka ayaa sheegay in la helay meydadka afar carruur ah oo ay biyaha qaadeen halka afar kalena la la’yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay waddankaasi ka da’een roobab culus oo ay daadad ka dhasheen.
In ka badan 250,000 oo qof oo ka mid ah shacabka Sri Lanka ayaa fatahaadaha awgood ka barakacay guriyahooda.
Dhanka kale waxaa dalkaasi ku dhufatay duufaan xooggan oo hadda ka gudubtay Xeebta kuna wajahan dhinaca Waqooyi ee gobolka Koonfureed ee Tamil Nadu ee waddanka India .
Xarunta qaran ee maareynta musiibooyinka ee Sri Lanka ayaa laga soo xigtay in dhismooyinka dowladda ay hadda hooy u yihiin 276,000 oo soo barakacay.
Dowladda ayaa ciidanka difaaca ka dalbatay in ay ka qayb qaataan howlaha gurmadka.