Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Ismaaciil Cumar Geelle

0
437

Madaxweyne dalka Mr Uhuru Kenyatta, oo hadda ah guddoomiyaha Ururka Bariga Afrika (EAC), ayaa barqadii maanta gaaray wadanka Jabuuti.
Mr. Kenyatta ayaa ka qeyb galay caleema saarka dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta loo dhaariyay madaxweynaha Jabuuti markii Shanaad
Waxaa wehelinayay wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo.
Waxaa sidoo kale halkaas ku suganaa madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabuuti.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here