Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Westlands Tim Wanyonyi ayaa doonaya in uu u tartamo xilka guddoomiyha xisbiga ODM ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu sheegay in ujeedada jagadan u doonaya ay tahay in uu wax ka beddelo hoggaanka xisbiga iyo in uu la yimaado niyad cusub oo uu xisbiga isugu diyaarinayo doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Wanyonyi ayaa sidoo kale daaha ka qaaday hadafkiisa ah inuu u tartamo barasaabka ismaamulka Nairobi ee doorashada guud ee soo socoto.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xisbiga ODM uu qabanqaabiyo doorasho xor iyo xalaal ah, si loo soo afjaro khilaafyada ka dhex jiro xisbigan.
Xisbiga ODM ayaa la filayaa in uu qabanqaabiyo toddobaadkan doorashada xubnaha cusub ee xisbigan ku biiraya taas oo dhowr jeer horraan dib loo dhigay.