12 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay masjid ku yaalla Afghanistan

0
556

Ciidamada booliska ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in 12 qof ay dhinteen halka ugu yaraan 15 ay dhaawacmeen ka dib markii qarax lala eegtay masjid ku yaalla duleedka waqooyiga caasimadda dalkaas ee Kabul.
Afhayeenka booliska magaaladaas Ferdaws Faramarz ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa la geliyay gudaha masjidka.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wado baaritaano dheeraad ah.
Qaraxa ayaa imaanaya iyada oo Kooxda Taalibaan iyo dowladda dalka Afghanistan ay labaduba shaaciyeen saddex cisho oo xabad joojin ah munaasabadda ciidul fidriga awgeed.