Ingiriiska oo sheegay haddii ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu yimaado dalkooda ay xiri doonaan

0
321

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mutaysan doona xarig haddii uu tago dalka Ingiriiska, ka dib markii warqad soo qabasho ay u jartay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Waxaa sidatan laga soo xigtay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska.
Dhawaan ayay ahayd markii maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo wasiirkii hore ee wasaaradda difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza.
Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.
Mar la weydiiyay in Netanyahu la xirayo haddii uu soo galo UK, afhayeenka rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha ayaa diiday inuu ka hadlo sida wax noqon karaan.