Israa’iil oo weli weerarro ka fulinaysa Qaza

0
547

Waxaa weli socdo weerarrada dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israa’iil ka gaysanayaan dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Israa’iil ay sare u soo qaaday tirada saraakiisha howlgabka qaybta ka ah iyo agabka ay isticmaalayaan.
Ilaa iyo hadda 119 qof oo Falastiiniyiin oo 31 ka mid ah ay carruur yihiin ayaa la dilay.
In ka badan 830 qof ayaa la dhaawacay tan iyo markii duullaanka uu billowaday Isniintii.
Boqolaal ka mid ah qoysaska Falastiin ayaa hooy ka dhigtay dugsiyada ay maamusho qaramada midoobay ee ku yaalla waqooyiga Qaza si ay uga badbaadaan gantaallada ay Israa’iil adeegsanayso.
In kastoo Israa’iil loogu baaqay in ay weerarrada duullaanka ah soo afjarto haddana ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay sii soconayaan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha.
Ururka Xamaas ayaa dhanka kale ay wararku sheegayaan in aroornimadii hore ee maanta ay gantaalo dhowr ah ku tureen Israa’iil kuwaasoo ay ku garaceen magaalada Ashkelon