Ciidamada difaaca ee Israa’iil ayaa weli weerarro ka gaysanaya gudaha dalka Lebanon.
Waxay halkaasi ku dileen 8 sarkaal oo dheeraad oo ka mid ah howlwadeennada caafimaadka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay sarkaalkii Xisbullah u qaabilsanaa dhanka xiriirka warbaahinta Maxamad Afif ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah oo laga fuliyay Bartamaha magaalada Beirut .
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, waxaa gudaha dalka Lebanon lagu dilay ugu yaraan 3,481 ruux iyadoo la dhaawacay 14,786 kale.