DHAGEYSO:Ganacsatada Mombasa oo ka soo horjeestay hindise sharciyeedka maaliyadda

0
175

Ganacsatada ismaamulka Mombasa ayaa ka soo horjeestay hindise sharciyeedka maaliyadda ee dowlad deegaankaasi ee sanadkan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in canshuur dheeraad ah lagu soo rogay iyadoo aan dadweynaha lagala tashan qorshahan.
Ganacsatada ayaa dalbanaya in dowladda hoose ee ismaamulka Mombasa ay hakiso dhaqangelinta hindise sharciyeedka maaliyadda ilaa iyo inta shacabka ay fursad buuxda uga helayaan in ay aragtidooda ku biiriyaan.
Qaar ka mid ah ganacsatada Mombasa oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa yiri.