Tirada dadka lagu dilay Qaza oo korortay

0
367

Waxaa sare u sii kacday tirada shacabka Falastiin ee ay ciidamada Israa’iil ku dileen marinka Qaza.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in la dilay 113 qof.
Dhanka kale waxaa guud ahaan daanta galbeed ka billowday dibadbaxyo looga soo horjeedo haysashada Israa’iil ee dhulka Falastiin.
Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa dhankooda sare u sii qaaday howlgallada dhinaca cirka ee ay fulinayaan.
Dadka la dilay 31 ka mid ayaa carruur ah halka dhaawaca uu kor u dhaafay 580 qof.