Maraykanka iyo Israa’iil oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah

0
106

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar oo la magacaabay horraantii bishan.
Waxaa uu ugu hambalyeeyay jagada loo igmaday .
Blinken iyo Saar ayaa isla eegay qodobbo dhowr ah oo la xiriira dibloomaasiyadda , arrimaha Iiraan, Lebanon iyo dadaallada gargaarka ee Qaza.