Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay qorshaha BBI

0
464

Guddi ka kooban 5 garsoorayaal ah oo ka tirsan maxkamadda sare ee wadanka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Waxay xaakiinada su’aal geliyeen sharcinimada qorshahan ay si wadajir ah u billaabeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Go’aammada maxkamadda waxaa qayb ka ah in hoggaamiyaha wadanka uu sameeyay xadgudub dastuuri ah.
Maxkamadda ayaa intaa ku dartay in cid kasta ay dacwad ku furi karto Mr. Kenyatta maadaama uu ka tallaabsaday waajibaadkiisa xilligii uu guda galayay hannaanka BBI.
Garsoorayaasha xalay go’aankan soo saaray ayaa kala ah Joel Ngugi, George Odunga, Jairus Ngaah, Teresia Matheka iyo Chacha Mwita
Madaxweynaha dalka ayay maxkamaddu sheegtay inuusan ilaalin farqada 131-aad qaybta labaad ee dastuurka wadanka sidaas awgeedna uu ku guul dareystay tixgelinta xeerarka wadanka lagu maamulo.
Xaakiinada ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaaday isbeddellada lagu sameeyay soo jeedinnada la xiriira sharci beddelka.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa lagu dhaliilay dhammaan go’aamadii ay arrinkan ka qaadatay oo ay ka mid tahay xaqiijinta saxiixyadii shacabka laga soo uruuriyay.
Maxkamadda ayaa go’aankan ku saleysay in ay weli bannaan yihiin qaar ka mid ah jagooyinka sare sare ee IEBC sidaas awgeedna guddigu uunan waqti xaadirkan qaadan karin go’aamo masiiri ah.
Sidoo kale waxaa la buriyay guddigii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu u xilsaaray dardargelinta howlaha sharci beddelka ee BBI maadaama ay maxkamaddu sheegtay in si sharci darro ah lagu soo dhisay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ay si aqlabiyad leh u ansaxiyeen qorshaha sharci beddelka ee BBI balse hadda meesha laga saaray ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay dacwado dhowr ah oo looga soo horjeeday hannaankan.