Dowladda Maraykanka ayaa mamnuucday in muddo bil ah ay diyaaradaha rayidka u safraan dalka Haiti.
Waxaa amarkan soo saaray maamulka duullimaadka rayidka ee xukuumadda Washington.
Tani ayaa timid maalin un ka dib markii saddex diyaaradood oo ku wajahnaa ama ka soo ambabaxay caasimadda Haiti ee Port-au-Prince la weeraray.
Waxaa ay dhaawacyo fudud soo gaareen mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradaha.