Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne

0
403

Waxaa saaka Jamhuuriyadda Somaliland looga dareeray goobaha codbixinta ee doorashada madaxweynaha iyo ururrada siyaasadeed.
Waa markii afaraad ee shacabka Somaliland ay madaxweyne ku doortaan codkooda.
Sidoo kale waa markii saddexaad ee shacabku u codeeyaan ururrada siyaasadeed si loo helo saddex xisbi, sida uu qabo dastuurka Somaliland.
Qiyaastii dad ka badan hal milyan oo qof ayaa qaatay kaararka codbixinta, sida laga soo xigtey guddiga doorashooyinka Somaliland.
Natiijada doorashada ayaa la ogaan doonaa isla caawa haddii aysan dhicin cilado.
Xilka madaxtinimo waxaa ku tartamaya musharrixiinta saddexda xisbi qaran ee hadda jira kuwaas oo kala ah:
Muuse Biixi Cabdi (Xisbiga Kulmiye)
Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi (Cirro) (Xisbiga Waddani)
Faysal Cali Waraabe (Xisbiga UCID)
Dhanka ururrada siyaasadda waxaa ku tartamaya toddoba urur siyaasadeed iyo saddexda xisbi ee hadda jira.
Xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira:
Waddani
Kulmiye
UCID
Magacyada ururada cusub ee doonaya in ay noqdaan Xisbiyo siyaasadeed ayaa kala ah:
Barwaaqo
Talowadaag
Rajo
Shacabka
Kaah
Hillaac
Horseed
Dhanka kale, madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo goor dhaweyd dhiibtay codkiisa ayaa ballanqaaday inuu aqbali doona natiijada doorashada, haddii xitaa looga guuleysto.
Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiijada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan doono xilka madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Somalilad.
Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub ee Somaliland.