Musalia Mudavadi oo ku baaqay in la kordhiyo miisaaniyadda lagula tacaalo isbeddelka cimillada

0
203

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi oo matalaya madaxweynaha qaranka William Ruto ayaa ku baaqay in caalamka uu kordhiyo miisaaniyadda lagula tacaalo isbeddelka ku yimaada cimillada.
Arrintan ayuu ka sheegay shirweynaha cimillada ee COP29 oo sanadkan lagu qabanaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya iyo dalalka kale ee qaaradda Afrika ay doonayaan in lacag dhan 168.35 tiriliyoon oo shilin lagu maalgeliyo arrimaha cimillada ka hor sanadka 2030-ka.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in walaaca ugu wayn ee ay qabaan uu yahay in aan laga dhabeyn ballanqaadyadii maaliyadeed.
Tani ayuu tilmaamay in ay caqabad ku tahay dhaqangelinta qodobbadii ka soo baxay shirarkii hore ee looga arrinsanayay saameynta isbeddelka cimillada.
Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa sheegay in cimillada oo wax laga qabto aynan ahayn arrin lagu deeqaya balse qasab ah.