DHAGEYSO:Barasaabka Garissa oo ka hadlay xilka qaadis la sheegay in lagu sameynaya guddoomiyaha golaha hoose

0
613

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa maanta hambalyo la xiriirta ciidul fidriga u diray bulshada muslimiinta ah waxaa uuna dhanka kale xusay in xilka qaadis wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaas ay sheegeen in ay ku sameynayaan guddoomiyaha golaha ibraahim Cabbaas ay tahay mid siyaasadeysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay jirto fidno siyaasadeed oo la doonayo in laga gudbo


Dhanka kale Xisbiga ODM ayaa bulshada musilimiinta ah ee ku nool gudaha dalka u diray farriin hambalyo ah oo ku aaddan dabaal degga munaasabadda ciidul fidriga.
Bayaan uu xisbigu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo wakhti lala qaadanaya ehellada iyo asxaabta sidaas awgeedna ODM ay tahniyad la wadaagayso muslimiinta.
Guddoomiyaha Garissa Cali Bunow iyo dhigiisa Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa bulshada ka codsaday in ay is cafiyaan oo ayna nabadda ku dadaalaan iyada oo dhanka kale la caawinayo dadka danyarta ah.