Waxaa si wanaagsan oo ay ku dheehan tahay feejignaan la xiriirta cudurka COVID19 maanta looga ciiday xeryaha qaxootiga iyo deegaanka Dadaab sida uu ku soo warramayo wakiil wareedka warbaahinta Star Maxamad Baaruud Xuseen
Dhanka ismaamulka Mandera culimada ayaa u duceeyay shacabka Falastiin ee dhibaatooyinka kala kulmaya ciidamada Israa’iil iyada oo dadweynaha looga digay in ay qaab fasahaadsan ugu dabaal degaan ciidul fidriga
Maxamuud Maxamad Sheekh Lafagari ayaa faahfaahinaya.
Magaaladatani Nairobi , Sheekh Maxamad Cabdi Umal ayaa bulshada muslimiinta ah ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga
Waxaa uu sharraxayaa qaabka waafaqsan diinta islaamka ee la doonayo in qofka muslimka ah uu u dhaqmo maalmaha farxadda isaga oo sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalka Falastiin.