In ka badan 4,000 qof oo COVID19 ugu dhintay India

0
654

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa maalinkii labaad oo xiriir ah diiwaangelisay dhimasho ka dhalatay cudurka COVID19 oo ah ugu yaraan 4,000.
Sidoo kale kiisaska cusub ee cudur sidaha Corona ayaa maalinkii afaraad oo xiriir ah ka hooseeya 400,000.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xaaladaha cudurka ay ku badan yihiin degmooyinka iyada oo qaar ka mid ah aan la soo tabin maadaama aysan jirin fursad shacabka looga baaro.